HomeWararWiilka Madaxweyne Xasan Sheekhoo hortegay Maxkamadda Magaalada Istanbul

Wiilka Madaxweyne Xasan Sheekhoo hortegay Maxkamadda Magaalada Istanbul

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ku lug lahaa Shilkii gaari ee uu ku dhintay Muwaadin Turkish ah ayaa waxa uu goobjoog ka ahaa Dhegeysiga Gar-Maqalka Kiiskaasi oo ka furantay Maxkamadda magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga. Gar-maqalka oo si hordhac ah loo dhegeystay ayaa waxa uu Maxamed Xasan ka hadlay qaabkii uu u dhacay Shilkii uu […]

- Advertisement -

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ku lug lahaa Shilkii gaari ee uu ku dhintay Muwaadin Turkish ah ayaa waxa uu goobjoog ka ahaa Dhegeysiga Gar-Maqalka Kiiskaasi oo ka furantay Maxkamadda magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga.

Gar-maqalka oo si hordhac ah loo dhegeystay ayaa waxa uu Maxamed Xasan ka hadlay qaabkii uu u dhacay Shilkii uu ku geeriyooday Muwaadinka Turkish-ka, oo lagu magacaabi jirey Yunus Emre Göçer.

- Advertisement -

Shilkaasi ayaa waxa uu dhacay bishii November 30-dii ee sanadkii hore ee 2023-kii, iyadoo gaari uu watay Wiilka Madaxweyne Xasan oo ay leedahay Qunsulliyada Somalia ee magaalladda Istanbul uu ku dhacay Mooto uu watay Muwaadinka Turkish-ka ee Yunus Emre Göçer, kaasi oo 2 isbuuc kadib u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray Shilkaasi.

Dhinaca kale, Maxkamadda magaalladda Istanbul waxay si KMG ah dib u dhigtay Gar-Maqalka Kiiskaasi, iyadoo fasaxday Maxamed Xasan Sheekh, ilaa laga gaarayo Kulanka soo socda ee Maxkamadda oo lagu madalsan yahay bishan January 16-da.

Horey, Madaxweynaha JFS waxa uu kula taliyey Wiilkiisa 40 jirka ee Maxamed inuu dib ugu laabto Turkiga, isla markaana uu goobjoog ka noqdo Kiiska Shilka ee loo haysto.

- Advertisement -

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu bilowgii bishan Tacsida la wadaagay Qoyska Muwaadinka Turkish-ka ee ku dhintay Shilkaasi.

Latest stories