HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh "Cadowga Itoobiya ee duulaanka nagu ah waan iska celineynaa"

Madaxweyne Xasan Sheekh “Cadowga Itoobiya ee duulaanka nagu ah waan iska celineynaa”

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay dagaal kula jiraan Al-shabaab iyo dowladda Itoobiya oo kusoo xadgudubtay midnimada dalka. Wuxuu tilmaamay Madaxweyne Xasan Sheekh in cadowga labaad ee dadka Soomaalida leeyihiin ay tahay Itoobiya oo duulaan ku ah madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa xusay in dowlad […]

- Advertisement -

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay dagaal kula jiraan Al-shabaab iyo dowladda Itoobiya oo kusoo xadgudubtay midnimada dalka.

Wuxuu tilmaamay Madaxweyne Xasan Sheekh in cadowga labaad ee dadka Soomaalida leeyihiin ay tahay Itoobiya oo duulaan ku ah madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa xusay in dowlad iyo shacaba diyaar loo yahay difaaca sharafka iyo dhowrista qaranimada Soomaaliya,

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliyeed Dr. Xassan Sheekh Maxamuud ayaa baaq u diray dhamaan qurbajoogta Soomaaliyeed waxaa uuna ka codsaday in dowladooda ay ka taageeraan Cadawga oo ay ka mid tahay Itoobiya “ Markey Soomaaliya Qatar gasho adinkaa bad-baadin jiray, Maanta waa maalintiiini waa maalintii la’idin baxsan jiray”

Madaxweyne Xasan Sheekh ” Cadow waa labo,waana Shabaab iyo Itoobiya,waan awoodnaa dowlad iyo shacab Shababkana waan iska celinayna duulaanka dibaddana waan iska celinayna intaba waan isaga filanahay”.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray hadalkiisa in aysan gacmaha ka laaban doonin haddii lagu soo xadgudbo qaranimada Soomaaliya.

Latest stories