HomeWararXuutiyiinta oo Duqeyn bllaaran ka beegsatay Markab uu leeyahay Mareykanka

Xuutiyiinta oo Duqeyn bllaaran ka beegsatay Markab uu leeyahay Mareykanka

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Afhayeenka Ciiddanka Kooxda Xuutiyiinta Yemen, Jeneral Yaxya Sareec ayaa faahfaahin ka bixiyey Duqeyn Ballaaran oo ay la beegsadeen Markab Dagaal oo ay Milliteriga Maraykanka leeyihiin oo gelbinayey Maraakiib Ganacsi oo ku sii jeeday Dekedaha dhulalka Falastiin ee ay Israel xooga ku haystaan. Afhayeenka ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday inuu weerarkaasi ahaa kii ugu baaxada ballaarnaa, […]

- Advertisement -

Afhayeenka Ciiddanka Kooxda Xuutiyiinta Yemen, Jeneral Yaxya Sareec ayaa faahfaahin ka bixiyey Duqeyn Ballaaran oo ay la beegsadeen Markab Dagaal oo ay Milliteriga Maraykanka leeyihiin oo gelbinayey Maraakiib Ganacsi oo ku sii jeeday Dekedaha dhulalka Falastiin ee ay Israel xooga ku haystaan.

Afhayeenka ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday inuu weerarkaasi ahaa kii ugu baaxada ballaarnaa, tan iyo markii ay Milliteriga Xuutiyiinta bilaabeen Hawlgallada ay ka wadaan Badda Cas iyo tan Carbeed.

- Advertisement -

Jeneral Yaxya Sareec ayaa waxa uu tilmaamay inay sii wadi doonaan Hawlgalladaasi, tan iyo inta laga joojinayo Colaadaha ay Milliteriga Israel ku hayaan Deegaanada Marinka Qasa ee Falastiin.

Dhanka kale, Taliska Dhexe ee Ciiddanka Maraykanka ee CENTCOM waxay ka hadleen Duqeymahaasi, iyagoo xaqiijiyey inuu weerarkaasi ahaa mid culus oo bilowday xalay abaarihii 09:15 daqiiqo ee xilliga Yemen.

Ciiddanka Badda ee Maraykanka iyo kuwa UK Royal Navy ee ku sugan Badda Cas waxay si wadajir ah u sheegeen inay fashiliyeen Duqeymihii Kooxda Xuutiyiinta, waa sida ay hadalka u dhigeen.

- Advertisement -

 

Latest stories