HomeWararWaddooyinka Muqdisho oo Maanta xiran iyo Banaanbax weyn oo dhacaya

Waddooyinka Muqdisho oo Maanta xiran iyo Banaanbax weyn oo dhacaya

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Banaanbax ballaaran oo looga horjeedo damaca dowladda Itoobiya ee heshiiskii dhawaan loogu saxiixay badda ayaa Maanta ka dhacaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaasi oo haatan qaban-qaabadiisa ay ka socoto Muqdisho. Kummanaan dadweyne ah iyo shaqaalaha dowladda ayaa isku diyaarinaya inay ka qeyb galaan banaanbaxa oo ah mid weyn abaabulkiisa Guddi loo xil saaray , […]

- Advertisement -

Banaanbax ballaaran oo looga horjeedo damaca dowladda Itoobiya ee heshiiskii dhawaan loogu saxiixay badda ayaa Maanta ka dhacaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaasi oo haatan qaban-qaabadiisa ay ka socoto Muqdisho.

Kummanaan dadweyne ah iyo shaqaalaha dowladda ayaa isku diyaarinaya inay ka qeyb galaan banaanbaxa oo ah mid weyn abaabulkiisa Guddi loo xil saaray , isla markaana shacabka ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedan heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la gashey Somaliland.

- Advertisement -

Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa waxaa goobo fagaare ah kula hadli doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale iyo mas’uuliyiin kale oo kamid ah dowladda.

Ciidamada ammaanka ayaana saakay si weyn u adkeeyay ammaanka goobaha la filayo in ay ka dhacaan bannaan-baxa, waxa ayna ciidamada gabi ahaan xireen oo gaadiidka u diidayaan waddooyinka soo gala goobaha ay dibad-baxyada ka dhacayaan.

Bannaan-baxa ayaana dowladda ujeedkkiisa ku sheegtay in uu yahay diidmada gardarada Itoobiya oo heshiis is afgarad xaaraan ah lagashay Soomaaliland, kaasi oo ah damac baalmarsan gobonimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, Qaraarada Gobolka iyo Qaanuunka caalamiga ah.

Latest stories