HomeWararBanaanbaxyo ballaaran oo Maanta ka socda Magaalada Muqdisho

Banaanbaxyo ballaaran oo Maanta ka socda Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ka socda banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo damaca dowladda Itoobiya ee ku aadan Badda Soomaaliya, kadib heshiiskii uu Madaxweynaha Maamulka Somaliland u saxiixay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Boqolaal dadweyne iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ayaa isugu soo baxay fagaaraha Daljirka daah-soon ee degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, waxaana dhammaantood […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ka socda banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo damaca dowladda Itoobiya ee ku aadan Badda Soomaaliya, kadib heshiiskii uu Madaxweynaha Maamulka Somaliland u saxiixay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Boqolaal dadweyne iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ayaa isugu soo baxay fagaaraha Daljirka daah-soon ee degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, waxaana dhammaantood ay kasoo horjeedan damaca Itoobiya ay ku dooneyso Badda Somalia.

- Advertisement -

Sidoo kale dad farabadan ayaa iyaguna ku sugan isgoyska KM-4 ee Muqdisho, dadka dhigaya banaanbaxa ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah Itoobiya oo ku kacday xadgudub ka dhan ah madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Goobaha waxbarashada iyo ganacsiyada ayaa sidoo kale la xiray, kadib markii ay amartay dowladda Soomaaliya oo iyadu soo qaban-qaabisay dibadbaxaan.

Ammaanka guud ee caasimadda Muqdisho ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,  isla markaana waxaa xiran waddooyinka oo ay ku sugan yihiin ciidanka ammaanka dowladda oo hakad geliyay isku socodka gaadiidka.

Latest stories