HomeWararTaliska CXD oo shaaciyay khasaaraha Duqeyn lala beegsaday xubno ka tirsan AS

Taliska CXD oo shaaciyay khasaaraha Duqeyn lala beegsaday xubno ka tirsan AS

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Taliska Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa habeenimadii xalay aheyd duqeymo dhanka cirka ah ku dilay in ka badan 20 dagaalem oo kamid ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab. Qoraal uu soo saaray Taliska ciidanka xoogga ayaa lagu sheegay in duqeynta laga fuliyay meel u dhaw Deegaanka Jeex-jeex Ee Gobalka Mudug oo sida la […]

- Advertisement -

Taliska Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa habeenimadii xalay aheyd duqeymo dhanka cirka ah ku dilay in ka badan 20 dagaalem oo kamid ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Qoraal uu soo saaray Taliska ciidanka xoogga ayaa lagu sheegay in duqeynta laga fuliyay meel u dhaw Deegaanka Jeex-jeex Ee Gobalka Mudug oo sida la tilmaamay Shabaab ay ka qoteen godad, waxayna sidoo kale ay isku ilaalinayeen dhul kayma ah.

- Advertisement -

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in aaga duqeynta ay ka dhacday ay dul-heehaabayeen diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn, isla markaana waxaa la sheegay inay duqeeyay godadka xubnaha Shabaabka ay joogeen.

“Howlgalkii dagaal ee ka dhacay Mudug kooxda ah waxaa looga dilay in ka badan 50 ruux oo, waxaana laga weeraray dhulka iyo dusha sare. Taliska Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa Duqeymo dhanka cirka ah ku dilay 26 dagaalame oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal ” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska xoogga dalka.

Warka kasoo baxay Taliska ayaa sidoo kale lagu sheegay duqeynta lagu Bur buriyay gaari noociisu yahay dheyno ah oo ay la socdeen saraakiil iyo dagaalamayaal kamid ah Al-Shabaab.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee howlgalada culus ee shalay ilaa xalay ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ka sameeyeen nawaaxiga deegaanka Jeex jeexa ayaa lagu dilay Abaanduulahii guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor Taliye Suulnuug oo hoggaaminaayay ciidanka dowladda.

Latest stories