HomeWararSomaliland oo xirtay Wariyeyaal ka howlgala Telefashinka MM TV

Somaliland oo xirtay Wariyeyaal ka howlgala Telefashinka MM TV

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ciidanka ammaanka Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay labo suxufi iyo farsamo yaqaan ka tirsan Telefashinka MM oo xalay qabtay dood toos uga socotay barta X ee horey loo oran jiray Twitter. Doodda oo ay daadahinayeen labada suxufi ee la kala yiraahdo Maxamed Ilig iyo Cabdishakuur Dayib ayaa waxa kala qaybgalay Feysal Cali Sheekh oo madax […]

- Advertisement -

Ciidanka ammaanka Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay labo suxufi iyo farsamo yaqaan ka tirsan Telefashinka MM oo xalay qabtay dood toos uga socotay barta X ee horey loo oran jiray Twitter.

Doodda oo ay daadahinayeen labada suxufi ee la kala yiraahdo Maxamed Ilig iyo Cabdishakuur Dayib ayaa waxa kala qaybgalay Feysal Cali Sheekh oo madax ka ah Hay’adda Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka ee Somaliland iyo Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed, waxayna ku saabsanayd “Faa’iidada iyo Khatarta Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya”.

- Advertisement -

Intii ay socotay doodda ayaa la sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa sirdoonka Somaliland ay galeen xarunta TV-ga MM ee Hargeysa halkaas oo ay ka qabteen Weriye Maxamed Ilig, Weriye Maxamed Andar iyo farsamo yaqaan Ilyaas Cabdinaasir.

Illaa hadda saraakiisha sirdoonka iyo kuwa booliska ee Somaliland kama aanay hadlin xariga suxufiyiintan xalay jeelka loo dhaadhicyay.

Latest stories