HomeWararAbaanduule Suulnuuge oo Maanta Aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho

Abaanduule Suulnuuge oo Maanta Aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Magaalada Muqdisho gaar ahaa qabuuro ku yaalla Isbitaalka xoogga ayaa waxaa Maanta aas Qaran loogu sameeyay Abaanduulihii Ururka 18aad Kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka oo shalay ku dhintay dagaal culus oo ka dhacay koonfurta Gobolka Mudug. Aaska Marxuum Korneyl Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuuge) ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, saraakiil […]

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho gaar ahaa qabuuro ku yaalla Isbitaalka xoogga ayaa waxaa Maanta aas Qaran loogu sameeyay Abaanduulihii Ururka 18aad Kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka oo shalay ku dhintay dagaal culus oo ka dhacay koonfurta Gobolka Mudug.

Aaska Marxuum Korneyl Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuuge) ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, saraakiil ciidan, qoyskiisa iyo dadweyne kale oo farabadan, waxayna Alle uga baryeen inuu u naxriisto sarkaalka.

- Advertisement -

Wasiirka wasaaradda Qorsheysta Xukuumadda Soomaaliya Beene Beene oo ka hadlay goobta duugta ka socotay ayaa sheegay in Suulnuuge uu ahaa geesi, waxa uuna xusay in sannado badan uu hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in abaanduule Suulnuuge uu ahaa sarkaalka qiimo badan oo Qaranka ka baxay, waxa uuna tilmaamay in uu sii socon doono dagaalkii uu qeybta ka ahaa Suulnuuge kana adkana doonaan Al Shabaab.

Abaanduulihii Ururka 18aad Kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka ayaa shalay ku dhintay  dagaal culus oo ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalamayaasha Al Shabaab kula dhexmaray Koonfurta Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Latest stories