HomeWararSafiirkii Soomaaliya ee Turkiga oo xilkii iska Casilay & sababta keentay

Safiirkii Soomaaliya ee Turkiga oo xilkii iska Casilay & sababta keentay

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Safiirkii dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiyay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga  Ambassador Jaamac Cabdullaahi Maxamed Ceydiid ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Safiirnimo ee uu ka hayay Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi. Qoraal uu soo saaray Jaamac Ceydiid ayuu uga hadlay sababta keentay inuu xilka iska casilo, wuxuuna Safiirkii Soomaaliya ee Turkiga sheegay inuu […]

- Advertisement -

Safiirkii dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiyay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga  Ambassador Jaamac Cabdullaahi Maxamed Ceydiid ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Safiirnimo ee uu ka hayay Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Qoraal uu soo saaray Jaamac Ceydiid ayuu uga hadlay sababta keentay inuu xilka iska casilo, wuxuuna Safiirkii Soomaaliya ee Turkiga sheegay inuu u tartamayo Xilka Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland.

- Advertisement -

Jaamac Cabdullaahi Ceydiid oo shantii sanno ee lasoo dhaafay ahaa Safiirka dowladda Soomaaliya u joogay Turkiga ayaa u mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shaqaalahada safaarada uu mas’uulka ka ahaa iyo Jaaliyada Soomaalida.

“Mar haddii aan u tartamayo xilka Madaxweyne kuxigeenka #Puntland, waxaan iska casilay shaqadii danjiranimo ee aan #qaranka u hayey. Waxaan u mahadcelinayaa, HassanSMohamud, bahda @MFASomalia & diblomaasiyiintii 6.5 sanadood igala shaqaynayey” ayuu yiri Jaamac Cabdullaahi Ceydiid.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu wadaa in Isniinta soo socota ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland, waxaana Jaamac uu kamid yahay Musharaxiinta Madaxweyne ku-xigeenka u tartameysa.

Latest stories