HomeWararMW Xasan “Dhulka Somaaliyeed dadkii naga horeeyay ma bixin Anaguna ma bixineyno”

MW Xasan “Dhulka Somaaliyeed dadkii naga horeeyay ma bixin Anaguna ma bixineyno”

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay u midoobaan dhowrista sharafka iyo difaaca madax-bannaanida iyo  qaranimada dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed siday uga dhiidhiyeen meel walba oo ay joogaan xadgudubka Itoobiya ay ku sameeysay madax-bannaanida iyo  qaranimada dalka Soomaaliyeed. “Waxaan […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay u midoobaan dhowrista sharafka iyo difaaca madax-bannaanida iyo  qaranimada dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed siday uga dhiidhiyeen meel walba oo ay joogaan xadgudubka Itoobiya ay ku sameeysay madax-bannaanida iyo  qaranimada dalka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

“Waxaan rabaa in aan kaliyah caddeeyo in dadka Soomaaliyeed ee waqooyiga Soomaaliya degan aad iyo aad ayaan ugu kalsoonahay in aysan qabin dhulka Soomaaliya in qeybo ka mid ah la bixiyo, sheekada lagu saleeyay is afgaradka waa dhul la bixiyay” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku nuxnuxsaday in u yahay been abuur wax lagu tilmaamay in la kireyay badda balse ay tahay heshiis lagu bixiyay dhulka oo Itoobiya loogu gacan galinayay, waxa uu intaas ku daray in aan dhul la kirayn lagana heshiin madaxweynuhu.

“20KM oo Badda cas ka bilaabtah oo xudud beenadka Itoobiya gasha waa la kireyay meel ay macquul ka tahay ma jirto,dadka waqooyiga Soomaaliya degan raali kama ahaa oo waa ay nala soo hadlaan masuuliyiintooda,shacabkana waan aragnay oo waa kuwaa taagan oo diidan, gayiga dhulka Soomaaliyeed dadkii naga horeyayna ma bixin anaguna ma bixin” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Madaxweynaha.

Latest stories