HomeWararDarawal Gaari oo lagu dilay Muqdisho & Askariga dilay oo la qabtay

Darawal Gaari oo lagu dilay Muqdisho & Askariga dilay oo la qabtay

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Askari ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa barqanimadii Maanta oo sabti ah darawal gaari ku dilay meel u dhow Shaleemo Nasri ee degmada Hodan ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay kusoo warrameen in Askariga dowladda oo ku sugnaa barta ciidan ee Shaleemo Nasri uu toogasho […]

- Advertisement -

Askari ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa barqanimadii Maanta oo sabti ah darawal gaari ku dilay meel u dhow Shaleemo Nasri ee degmada Hodan ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay kusoo warrameen in Askariga dowladda oo ku sugnaa barta ciidan ee Shaleemo Nasri uu toogasho ku dilay darawalka gaari oo waday mid kamid ah gaadiidka dadweynaha raacaan ee loo yaqaano Hoomeyda.

- Advertisement -

Askariga falka geystay oo marka hore isku dayay inuu goobta ka baxsado ayaa durbadii waxaa gacanta ku dhigay ciidamo kale oo kamid ah kuwa amniga oo aaga ka agdhawaa, waxaana wararka ay sheegayaan in la xiray gacan ku dhiiglaha Askariga ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer sidaan oo kale Askar ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay si bareer ah ugu dileen darawalo Mooto Bajaaj iyo kuwo kaxeynayay gaadiidka dadweynaha ee BL-ka.

Latest stories