HomeWararMW Xasan Sheekh & Erdogan oo ka wada hadlay xadgudubka Itoobiya ku...

MW Xasan Sheekh & Erdogan oo ka wada hadlay xadgudubka Itoobiya ku sameysay Somalia

Date:

Related stories

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey mowqifka garab istaagga ah ee shacabka iyo dowladdu Turkigu ay ka muujiyeen faro-gelinta iyo xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa tilmaamay muhiimadda ay caalamka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey mowqifka garab istaagga ah ee shacabka iyo dowladdu Turkigu ay ka muujiyeen faro-gelinta iyo xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Labada Madaxweyne ayaa tilmaamay muhiimadda ay caalamka u leedahay xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika, iyagoo xoojiyey doorka walaalaha Turkigu ay ka qaadanayaan dib u dhiska iyo dowladnimada Soomaaliya.

Turkiga ayaa si weyn uga soo horjeestay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen 1-dii Janaayo 2024, kaasoo ay u arkaan mid meel ka dhac ku ah xuquuqda iyo danaha shacabka Soomaaliyeed.

Heshiiskan oo loogu magac daray Is-afgaradka Iskaashiga iyo Iskaashiga ayaa waxaa Addis Ababa kaga dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyadoo aan lagala tashan, lana ogeysiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Latest stories