HomeWararGo’aan laga soo saaray Natiijada Ciyaartii shalay ee Hirshabeelle & Gobolka Banaadir

Go’aan laga soo saaray Natiijada Ciyaartii shalay ee Hirshabeelle & Gobolka Banaadir

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Kadib rabshadihii ka dhacay shalay Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ayaa waxaa War kasoo saaray Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliyeed, iyagoona Go’aan ka gaaray Natiijada Ciyaartii shalay ee Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir oo fowdo kusoo idlaatay. Qoraalka Xiriirka Kubadda cagta ayaa waxaa lagu sheegay in saddex dhibcood lagu siiyay xulka Maamulka Hirshabeelle, isla markaana lagu […]

- Advertisement -

Kadib rabshadihii ka dhacay shalay Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ayaa waxaa War kasoo saaray Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliyeed, iyagoona Go’aan ka gaaray Natiijada Ciyaartii shalay ee Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir oo fowdo kusoo idlaatay.

Qoraalka Xiriirka Kubadda cagta ayaa waxaa lagu sheegay in saddex dhibcood lagu siiyay xulka Maamulka Hirshabeelle, isla markaana lagu ganaaxay xulka Maamulka Gobolka Banaadir oo la tilmaamay inay taageerayaashooda ay bilaabeen fowdo iyo qas.

- Advertisement -

Waxaa shalay daqiiqaddii 70aad ee la hakiyay kulan u dhaxeeyay Gobolka Banaadir iyo maamul Goboleedka Hirshabelle ka dib markii taageerayaasha Gobolka oo sameeyey fowdo iyo rabshado laga wadi waayey ciyaarta oo aheyd mid xamaasad leh oo Garoonka ay soo buux-dhaafiyeen kummanaan Kun oo taageerayaal ah oo labada dhinac u kala sacad tumayey.

Xiriirka Kubada cagta ayaa saddex gool iyo sadexdii dhibcood ee ciyaartaas siiyey xulka Hirshabelle, iyadoo Maanta cayaari doonaan Koonfur Galbeed iyo Jubbaland..

Latest stories