HomeWararHoggaamiyaha Xamaas oo Shuruud adag ku xiray sii daynta la haystayaasha gacanta...

Hoggaamiyaha Xamaas oo Shuruud adag ku xiray sii daynta la haystayaasha gacanta ugu jira

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Hogaamiyaha Xamaas ayaa sheegay in la haystayaasha hadhay ee lagu qafaashay weeraradii lagu hoobtay ee ka dhacay koonfurta Israa’iil 7-dii October kaliya lagu sii dayn doono shuruudo ay kooxda lafteedu dejisay. Ismaciil Xaniyeh oo khudbad ka jeedinayay taleefishinka ayaa sheegay in Xamaas ay mawqifkeeda gaarsiisay Qatar iyo Masar oo ah dhexdhexaadiyayaasha khilaafka – kaas oo […]

- Advertisement -

Hogaamiyaha Xamaas ayaa sheegay in la haystayaasha hadhay ee lagu qafaashay weeraradii lagu hoobtay ee ka dhacay koonfurta Israa’iil 7-dii October kaliya lagu sii dayn doono shuruudo ay kooxda lafteedu dejisay.

Ismaciil Xaniyeh oo khudbad ka jeedinayay taleefishinka ayaa sheegay in Xamaas ay mawqifkeeda gaarsiisay Qatar iyo Masar oo ah dhexdhexaadiyayaasha khilaafka – kaas oo salka ku haya “in gabi ahaanba la joojiyo gardarrada” ka dhanka ah Falastiiniyiinta.

- Advertisement -

Bishii la soo dhaafay, Xamaas waxay meesha ka saartay in la sii daayo la haystayaal kale ilaa dagaalku ka dhammaanayo. Israa’iil ayaa marar badan diiday xabad joojin joogta ah, waxayna wacad ku martay in ay burburin doonto Xamaas.

Qiyaastii 240 qof ayaa maxbuus ahaan loo kaxaystay Qasa 7dii Oktoobar, laakiin 105 ayaa markii dambe Xamaas sii daysay intii lagu jiray xabbad joojin lix maalmood ah dhammaadkii Nofembar.

Latest stories