HomeWararDowladda Soomaaliya oo ku gacan-sayrtay baaqii kasoo baxay IGAD

Dowladda Soomaaliya oo ku gacan-sayrtay baaqii kasoo baxay IGAD

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hortimid  bayaankii urur goboleedka IGAD oo maanta ku baaqay in wadahadal lagu dhammeeyo arrinta Somalia iyo Ethopia. Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si weyn uga xuntahay hadalka ka soo yeeray Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD ee ku aadanaa […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hortimid  bayaankii urur goboleedka IGAD oo maanta ku baaqay in wadahadal lagu dhammeeyo arrinta Somalia iyo Ethopia.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si weyn uga xuntahay hadalka ka soo yeeray Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD ee ku aadanaa xiriirka ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.

- Advertisement -

Waxaa Dowladda Soomaaliya ay inta aku dartay in nasiib darro uu yahay hadalka IGAD, isla markaana aan lagu cambaarayn  Dowladda Itoobiya oo ku xad-gudubtay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taasoo ka soo horjeeda mabaadi’da aasaasiga ah ee UN, AU, IGAD iyo shuruucda kale ee caalamiga ah.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku khilaafsan nuxurka qoraalka kasoo baxay Xoghayaha Fulinta, waxayna u aragtaa mid taageersan dowladda Itoobiya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Xoghayaha Fulinta inuu si deg deg ah raaligelin uga bixiyo, kana laabto hadalkaas, uuna qaado tallaabada ku habboon” ayaa lagu yiri Qoraalka ay sii daysay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu ayaa goor sii horreysay waxaa uu u soo jeedinayaa madaxda urur gobaleedka IGAD in gacanta lagu dhigo xaaladan, wuxuuna ka codsaday labada waddan ay iska kaashadaan sidii xaaladda nabad iyo isafgarad lagu xallin lahaa, iyadoo la ilaalinayo qiyamka la wadaago ee mideeya qoyska IGAD.

- Advertisement -

Waxaana dowladda Soomaaliya ay hadalkaasi ku tilmaaamtay mid dhinac u janjeera oo aan dhex-dhexaad ahayd, laguna taageerayo dulmiga Itoobiya.

 

 

Latest stories