HomeWararBannaanbax ka dhan ah damaca Itoobiya oo saaka ka billawday Muqdisho

Bannaanbax ka dhan ah damaca Itoobiya oo saaka ka billawday Muqdisho

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Magaalada Muqdisho saaka waxaa ka billawday bannaanbax ballaaran oo looga soo hor jeedo damaca Itoobiya ee ku aaddan badda Soomaaliya, waxaana haatan billawday isku soobaxii ugu weynaa. Aroornimadii hore ee Saaka ayaa si weyn looga dareemay caasimadda, waxaana waddooyinka muhiimka ah lasoo dhoobay Ciidamo farabadan, kuwaasi ka qayb qaadanaya ammaanka guud. Qaybaha kala duwan ee […]

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho saaka waxaa ka billawday bannaanbax ballaaran oo looga soo hor jeedo damaca Itoobiya ee ku aaddan badda Soomaaliya, waxaana haatan billawday isku soobaxii ugu weynaa.

Aroornimadii hore ee Saaka ayaa si weyn looga dareemay caasimadda, waxaana waddooyinka muhiimka ah lasoo dhoobay Ciidamo farabadan, kuwaasi ka qayb qaadanaya ammaanka guud.

- Advertisement -

Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qayb galaya bannaanbaxa, waxaana saaka aroornimadii hore dadkii ugu badna isugu imaadeen tallaada daljirka Daahsoon, halakasi oo lagu arkayay boqolaal shacab ah oo ka caraysan damaca Itoobiya ay ku doonayso badda Soomaaliya.

Bannaanbaxa ugu weyn ayaa qaban qaabadisu waxaa ay ka socotaa haatan Garoonka kubadda Cagta ee Eng.Yariisow, halkaasi oo dadku ay isugu tagi doonaan.

Ammaanka guud ee garoonka ayaa la adkeeyay, waxaana haatan kusii qulqulaya kumannaan shacab ah, oo aad kaga caraysan faragalinta ay itoobiya ku sameysay qaranimada Soomaaliya.

- Advertisement -

Masuuliyiin kala duwan ayaa la filayaa inay ka qayb galaan banaanbax, kuwaasi oo shacabka khdubado u jeedin doona, maamulka Gobolka banaadir ayaana wada qaban-qaabada iyo dardargalinta bannaanbaxa saaka ka socda Caasimadda.

 

Latest stories