HomeWararRW Xamse Barre Taako dhulkeenna ka mid ah u ogolaan mayno Itoobiya

RW Xamse Barre Taako dhulkeenna ka mid ah u ogolaan mayno Itoobiya

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalak Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan deg deg ah oo ku aaddan Heshiiskii Itoobiya ay la saxiixatay Maamulka Somaliland, kaasi oo lagu tilmamaay xad gudub ka dhan ah qaranimada Soomaaliya. Kulanka Maanta ayaa waxaa Guddoomiyay RW Xamse Cabdi Barre, waxaana kasoo baxay qaraar ka dhan ah damaca Itoobiya ee ay ku doonayso […]

- Advertisement -

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalak Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan deg deg ah oo ku aaddan Heshiiskii Itoobiya ay la saxiixatay Maamulka Somaliland, kaasi oo lagu tilmamaay xad gudub ka dhan ah qaranimada Soomaaliya.

Kulanka Maanta ayaa waxaa Guddoomiyay RW Xamse Cabdi Barre, waxaana kasoo baxay qaraar ka dhan ah damaca Itoobiya ee ay ku doonayso badda Saylac, waxaana Xukuumadda Soomaaliya ay si adag kaga doodeen tallaabada ay qaadday Itoobiya.

- Advertisement -

Qodobada kasoo baxay kulanka Wasiirada oo uu akhriyay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Farxaan Jimcaale ayaa ka mid ahaa qodabadaasi: In Tallaabada ay qaadday Itoobiya ay tahay gardarro iyo xad gudub ay ku kacday Itoobiya, waxaana sidoo kale Xukuumaddu ay heshiiskaas ku tilmaamtay mid wax kama jiraan ah oo sharci darro ah.

Sidoo kale RW Xamse oo isna hadlay ayaa waxaa uu sheegay taako ka mid ah dhulka Soomaaliya aysan Itoobiya ka ogolaan doonin.

Waxaana Soomaaliya ay amartay Safiirkeeda Addisababa inuu sida uga dhaqsiyaha badan uu kasoo baxo dalka Itoobiya.

Latest stories