HomeWararMaxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Xukun ku ridday dagaalame ka tirsan AL-Shabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Xukun ku ridday dagaalame ka tirsan AL-Shabaab

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ibraahim Cusmaan Macalin Abiikar ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshaha AL-Shabab, isagoo la sheegay inuu u qaabilsanaa Qeybta Qaraxyada iyo kala gudbinta Agabyada ay u baahanyihiin, isagoo isticmaali jiray Mooto Fekon. War lagu baahiyay Warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in deeganka Dugaandug uu ugu yimid Daahir oo isna ka mid ahaa AL-Shabaab, una sheegay […]

- Advertisement -

Ibraahim Cusmaan Macalin Abiikar ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshaha AL-Shabab, isagoo la sheegay inuu u qaabilsanaa Qeybta Qaraxyada iyo kala gudbinta Agabyada ay u baahanyihiin, isagoo isticmaali jiray Mooto Fekon.

War lagu baahiyay Warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in deeganka Dugaandug uu ugu yimid Daahir oo isna ka mid ahaa AL-Shabaab, una sheegay in uu wado qarax ayna rabaan in uu geeyo magaalada Baydhabo, Bartilmaameedkuna uu yahay goob dadka isugu yimaadaan, waxaana uu soo qaaday Daahir iyo Miinadii waxa uuna  ku aasay Kaam Xagarka Buush ku yaala.

- Advertisement -

Ciidanka Ha’adda Nabad sugida ayuu u soo gacan galay Ibraahim Labo iyo labaatankii bishii July ee sanadkii hore, halka Daahir uu wali fakad ka yahay gacmaha laamaha sharciga sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa Maxkamadda ka codsaday qaadista kiiska Ibraahim, waxaana laga ogolaaday Sagaal iyo Tobankii bishii December ee sanadkii tagay.

Fadhiyo kala duwan ka dib Garsoorka Maxkamadda ciidamada oo siiyay muddo ku filan dhinacyada dacwadda sidoo kalana dhageystay qaar ka mid ah dhibanayaasha kiiskan ayaa ugu danbayn maanta go’aan ka soo saaray Galka Ibrahim Cusmaan Macalin Abiikar, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Cimrigaa haku furto [xabsi daa’in] , sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Sare Aadan Abuukar Maxamed wakiilka Maxkamadda Ciidamada Qaybta Lixdanaad.

Latest stories