HomeWararMadaxdii hore ee Somalia oo si kulul kaga hadlay heshiiska Itoobiya iyo...

Madaxdii hore ee Somalia oo si kulul kaga hadlay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxdii hore ee Soomaaliya ayaa si adag kaga hadlay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland, waxaana ay ku tilmaameen mid sharci darro ah, sidoo kalena xad gudub ku ah madaxbannaanida qaranimada Soomaaliya. Masuuliyiinta sida adag kaga hadlay arrinkaan waxaa ka mid ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidoo kale waxaa dhankiisa […]

- Advertisement -

Madaxdii hore ee Soomaaliya ayaa si adag kaga hadlay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland, waxaana ay ku tilmaameen mid sharci darro ah, sidoo kalena xad gudub ku ah madaxbannaanida qaranimada Soomaaliya.

Masuuliyiinta sida adag kaga hadlay arrinkaan waxaa ka mid ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidoo kale waxaa dhankiisa si kulul kaga hadlay Ra’iisul Wasarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, isagoo aa wax lala yaabo aadna looga xumaado ku tilmaamay ficilka ay ku dhaqaaqday dowladda Ethiopia kaas oo xadgudub cad ku ah Qaranimada Soomaalliyeed sidoo kalena xasillooni darro ka abuuraya Gobolka Geeska Afrika.

- Advertisement -

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo qoraal soo saaray ayaa isna Heshiiska labada dhinac ku tilmamay mid sharci darro ah, wuxuuna sheegay inuu xad-gudub ku yahay madaxbannaanida Dalkeenna.

“Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u midoobaan ilaalinta midnimadooda, Karaamadooda iyo Kheyraadka Dalkooda” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed

Ugu dambeyn Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqaynaa in ay arintaan ka soo saarto go’aan deg deg ah oo ay ku caddeyneyso mowqifkeeda iyo waxa ay kala socoto heshiiskaas sharci darrada ah.

Latest stories