HomeWararMunaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Gobolka Banaadir oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Gobolka Banaadir oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa lagu qabtay Munaasabad lagu soo Bandhigaayay Wax-Qabadka Maamulka Gobolka Banaadir iyo D/H/X ee sanadka 2023, iyadoona Munaasabadda ay kasoo qeyb-galeen; Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiiro, Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidanka, Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Odayaasha dhaqanka, Culumada, Haweenka, […]

- Advertisement -

Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa lagu qabtay Munaasabad lagu soo Bandhigaayay Wax-Qabadka Maamulka Gobolka Banaadir iyo D/H/X ee sanadka 2023, iyadoona Munaasabadda ay kasoo qeyb-galeen; Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiiro, Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidanka, Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Odayaasha dhaqanka, Culumada, Haweenka, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisa ee Bulshada.

Madasha ayaa lagu soo bandhigay guulahii ugu waa weynaa oo uu Maamulka Gobolka Banaadir ku talaabsaday sanadka 2023, sida horumarinta Kaabayaasha oo ay ugu horeeyaan dhismaha Wadooyinka oo gaaraya illaa iyo 15-wado oo Laami ah, Wax ka qabashada Amniga Caasimadda, Waxbarashada, Caafimaadka, Samafalka iyo Balaarinta Adeegyada Bulshada.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku amaanay Maamulka Gobolka Banaadir doorka dib-u-dhis ee kaabayaasha isku socodka, daadajinta Adeegyada Bulshada, asigoona ku booriyay Maamulka Gobolka Banaadir in lasii dar-dargeliyo qorshahaasha Horumarineed ee Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Qorshayaasha hortabinta u leh Maamulkiisa sanadka 2024 ay ugu horeeyaan wax ka qabashada Bulaacadaha iyo in Gobolka Banaadir ay ka dhacdo doorashada Golayaasha Deegaanka, si shacabka ay u doortaan cida maamuli laheyd.

Latest stories