HomeWararTartanka Ciyaaraha M/Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo dib loo dhigay

Tartanka Ciyaaraha M/Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo dib loo dhigay

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Waxaa dib loo dhigay muddo labo maalin ah tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo Maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo shalay oo jimco aheyd si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho. Warqoraal ah oo ka soo baxay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa shaaciyay in dib loo dhigay tartanka xiisaha badan […]

- Advertisement -

Waxaa dib loo dhigay muddo labo maalin ah tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo Maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo shalay oo jimco aheyd si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Warqoraal ah oo ka soo baxay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa shaaciyay in dib loo dhigay tartanka xiisaha badan ee dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, waxaana hakadka ku yimid lagu wargeliyay maamulada iyo kan Gobolka.

- Advertisement -

“Waxaan si xushmad leh idin kaaga mahadcelineynaa ka qeybgalka tartanka maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir iyo horumarinta kubadda cagta Soomaaliya guud ahaan,hadaba waxaan idinku wargalineynaa in la hakiyay cayaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo dib loo dhigay muddo labo maalmood ah” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa intaas lagu sii daray Qoraalka “Waxaa la ciyaari doonaa 1-daa January 2024 waxaan la idinla soo wadaagi doona jawdalka ciyaaraha tartanka maamul goboleedyadda iyo gobolka Banaadir ee sanadkaan 2023, Sidaasi darteed waxaan ku rajaweynahay in sidii aan horay idinkaaga baranay aad ugu soo diyaar garoobi doontaan”

Kulan ciyaareedkii koowaad ee shalay la ciyaaray ayaa waxaa lagu daah-furay kooxo kala matalayay maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug, waxaana ciyaarta ay kusoo dhammaatay barbar dhac 1-1.

Latest stories