HomeWararRW Xamse oo ku dhawaaqay in la qaadayo Dhagaxyada yaal waddooyinka Muqdisho

RW Xamse oo ku dhawaaqay in la qaadayo Dhagaxyada yaal waddooyinka Muqdisho

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay in bilowga sanadka cusub ee 2024 la qaadi doono qeybo badan oo kamid ah dhagaxyada amni ee yaalla waddooyinka magaalada, maadaama uu isbeddel weyn oo amni uu ka jiro caasimadda. Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay shir lagu soo bandhigay horumarka iyo guulaha laga […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay in bilowga sanadka cusub ee 2024 la qaadi doono qeybo badan oo kamid ah dhagaxyada amni ee yaalla waddooyinka magaalada, maadaama uu isbeddel weyn oo amni uu ka jiro caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay shir lagu soo bandhigay horumarka iyo guulaha laga gaaray amniga caasimadda Muqdisho, ayaa tilmaamay in Dowladnimadu aysan horumar sameyn karin haddii aan amniga la xaqiijin, isla markaana uu fure u yahay nolosha oo dhan, isaga oo ugu baaqay ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda DanQaran ay sameysay shuruuc muhiim u ah amniga caasimadda, taas oo qeyb weyn ka qaadatay isbeddelka amniga ee ka jira Muqdisho, wuxuuna ku ammaanay hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir dadaalka iyo wada-shaqeynta dhexdooda ah.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in waddankeennu uu marayo isgoys muhiim ah oo uu caalamku qiimeynayo tallaabooyinka la qaadayo, maadaama dalka laga qaaday cunaqabatayntii hubka, isla markaana dayntii laga cafiyey.

Kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, saraakiil ciidan, madaxda gobolka Banaadir, culimada, odayaasha dhaqan iyo haween, iyadoo lagu soo bandhigay muuqaallo iyo warbixinno muujinaya guulaha la gaaray iyo tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira amniga caasimadda.

Latest stories