HomeWararMadaxweyne Saciid Deni oo ka horyimid Go'aankii Isimada Puntland

Madaxweyne Saciid Deni oo ka horyimid Go’aankii Isimada Puntland

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa xalay kulan deg deg ah ku yeeshay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland. Madaxweyne Deni iyo Guddiga xallinta Khilaafaadka ayaa kulankooda uga wada hadlay Go’aankii xalay kasoo baxay Isimada dhaqanka Puntland ee lagu go’aamiyay in doorashada lagu galo 49 xildhibaan. […]

- Advertisement -

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa xalay kulan deg deg ah ku yeeshay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland.

Madaxweyne Deni iyo Guddiga xallinta Khilaafaadka ayaa kulankooda uga wada hadlay Go’aankii xalay kasoo baxay Isimada dhaqanka Puntland ee lagu go’aamiyay in doorashada lagu galo 49 xildhibaan.

- Advertisement -

Saciid Cabdullaahi Deni oo ka horyimid go’aanka Isimada dhaqanka Puntland ayaa waxaa la sheegay inuu ku amray Guddiga in aysan dhaqan-gelin go’aanka isimada oo uu ku tilmaamay mid dastuurka baal-marsan.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Siciid Deni uu guddiga u sheegay in aysan jirin wax isbeddel ah oo lagu samayn doono shakhsiyaadka wata magaca reer SSC-khaatumo ee Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada ka tirsan.

Isimada Puntland ayaa War-murtiyeed ay soo saareen ku dalbaday xubnaha Khaatumo kumatelaya guddiga xalinta khilaafaadka iyo xulista xildhibaannada booska baneeyaan, maadaama deegaannadooda xubno aan laga soo xuleyn.

- Advertisement -

Sidoo kale Isimada Puntland ayaana kasoo horjeestay hadalkii madaxweyne Siciid Deni jeediyay ee ahaa in xildhibaannada kasoo jeeda deegaannada Khaatumo ay qeyb ka noqonayaan doorashada dhawwaan dhaceysa.

Latest stories