HomeWararDowladda Burundi oo Ciidankii ugu badnaa kala baxday Somalia

Dowladda Burundi oo Ciidankii ugu badnaa kala baxday Somalia

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Dowladda Burundi ayaa shaaca ka qaaday inay bishaan December ee sanadkaan sii dhammaanaya ee 2023 ay gudaha dalka Soomaaliya kala baxday ciidamadii ugu badnaa oo qeyb ka ahaa howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS. Sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Burundi ayaa lagu caddeeyay inay Soomaaliya kala baxeen wixii ka danbeeyay 23-kii […]

- Advertisement -

Dowladda Burundi ayaa shaaca ka qaaday inay bishaan December ee sanadkaan sii dhammaanaya ee 2023 ay gudaha dalka Soomaaliya kala baxday ciidamadii ugu badnaa oo qeyb ka ahaa howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Burundi ayaa lagu caddeeyay inay Soomaaliya kala baxeen wixii ka danbeeyay 23-kii bishaan December ciidamo gaaraya ilaa 734 askari, kuwaasi oo dib loogu celiyay dalkooda.

- Advertisement -

Ciidanka ayaa markii ay dib ugu laabteen dalkooda waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada caasimada ah Bujumbura kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Burundi, ugana mahadceliyay howlgalkii ay kasoo qeyb qaateen.

Ciidamada Burundi ayaa qeyb ka ah kuwa  ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ee Somalia ka howlgalayay tan iyo 2007-dii, waxaa socda wajiga labaad ee qorshaha lagu dhimayo ciidamada ATMIS ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale sanadka 2024 marka uu dhammaado waxaa qorshuhu yahay in guud ahaan dalka oo dhan uu ka baxo askariga ugu danbeeya ee ajanabi ah si ay amnigooda dib ula wareegeen ciidamada duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Latest stories