HomeWararAxmed Karaash oo taageeray Go'aankii Isimada Puntland Digniina diray

Axmed Karaash oo taageeray Go’aankii Isimada Puntland Digniina diray

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka hadlay xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Puntland ku sugan tahay, kadib Qoraal uu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee uu leeyahay. Axmed Karaash ayaa sheegay inuu si buuxda usoo dhaweeyay in doorashada ka dhaceysa Puntland ee Xildhibaanada lagu galo 49 Mudane, isla markaana […]

- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka hadlay xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Puntland ku sugan tahay, kadib Qoraal uu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee uu leeyahay.

Axmed Karaash ayaa sheegay inuu si buuxda usoo dhaweeyay in doorashada ka dhaceysa Puntland ee Xildhibaanada lagu galo 49 Mudane, isla markaana la xaq-dhawrayo go’aankii masiiriga ah ee bulshada deeganada SSC-Khaamuto soo saareen.

- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Karaash ayaa tilmaamay in uusan marnaba aqbali doonin in  17 xubnood oo aan haysan matalaada bulshada deegaanada SSC-Khaatumo sifo kasta haku yimaadeen, isagoo ka digay talaabo kasta oo keeni karta xasilooni daro.

Hoos ka Akhriso Warka uu soo saaray KMadaxweyne Karaash.

Markaan arkay xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Puntland ku sugan tahay.

- Advertisement -

Markaan tixgaliyey go’aankii kasoo baxay golaha dhaqanka ee SSC-Khaatumo 23 December 2023, baaqii dallada musharixiinta 27 December 2023 iyo go’aamadii isimada Puntland 29 December.

Waxaan si buuxda usoo dhaweynayaa in doorashadan lagu galo 49 iyadoo la xaq-dhawrayo go’aankii masiiriga ah ee bulshada deeganadaas.

Marnaba ma aqbali doono 17 xubnood oo aan haysan matalaada bulshada deegaanadaas sifo kasta haku yimaadeen.

Waxaan ka digayaa talaabo kasta oo keeni karta xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amni.

Latest stories