HomeWararSAWIRRO: Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Tartanka Dowlad-goboleedyada dalka

SAWIRRO: Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Tartanka Dowlad-goboleedyada dalka

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyqdda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta daah furay tartanka Dowlad-goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo ka bilowday Stadion Muqdisho. Kulanka daah-furka koobka oo ay ku tar tamayeen xulalka Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku bogaadiyey bahda ciyaaraha Soomaaliyeed sida ay ugu mideysan yihiin xoojinta is-dhexgalka, nabadda […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyqdda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta daah furay tartanka Dowlad-goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo ka bilowday Stadion Muqdisho.

Kulanka daah-furka koobka oo ay ku tar tamayeen xulalka Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku bogaadiyey bahda ciyaaraha Soomaaliyeed sida ay ugu mideysan yihiin xoojinta is-dhexgalka, nabadda iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

“Ciyaarta macnaha ugu weyn waa in la is barto, isdhexgal yimaado, lagu saaxiibo, la isugu yimaado, sidoo kale, dadku waa wada farxsan yihiin. Waxaan rajaynayaa in sannad walba aynu isugu nimaadno jawigaan farxadeed oo kale”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay muhiimadda xasilinta amniga caasimaddu ay u leedahay horumarinta dhallinyarada, iyadoo jawiga nabadeed ee uu ku bilowday tartanku uu muujinayo dadaalka dowladdu ay ku bixisay xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho.

Furitaanka Koobka Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir waxaa ku weheliyey Ra’iisul Wasaaraha, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo bahda ciyaaraha ee heer Federaal iyo heer gobol.

- Advertisement -

Latest stories