HomeWararFaah faahin: Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii hore oo lagu dilay Muqdisho

Faah faahin: Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii hore oo lagu dilay Muqdisho

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Kooxo hubeysan oo watay Bastoolad ayaa gelinkii dambe ee Maanta oo jimco ah waxa ay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii 9-aad ee dowladda Federaalka ku dileen magaalada Muqdisho. Dilka ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay xaafad ka tirsan degmada Wadajir, waxaana falkaas loo geystay Ibraahim Saalax Deyfullaah oo ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee […]

- Advertisement -

Kooxo hubeysan oo watay Bastoolad ayaa gelinkii dambe ee Maanta oo jimco ah waxa ay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii 9-aad ee dowladda Federaalka ku dileen magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay xaafad ka tirsan degmada Wadajir, waxaana falkaas loo geystay Ibraahim Saalax Deyfullaah oo ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Marxuumka qeybaha sare ee jirka laga toogtay, xilii kasoo baxayay masaajid uu kusoo tukaday salaadii casir ee galabta.

Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa ka baxsaday kooxihii hubeysnaa ee dilka u geystay Ibraahim Deyfullaah, iyadoo markii dambe meydkiisa laga qaaday goobta oo ay gaareen ciidamo kamid ah kuwa ammaanka dowadda.

Latest stories