HomeCaalamkaAmiirka cusub ee Boqortooyada Kuwait oo xilka loo dhaariyay

Amiirka cusub ee Boqortooyada Kuwait oo xilka loo dhaariyay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Sheekh Meshal Al-Axmad Al-Sabaax ayaa loo dhaariyay inuu noqdo amiirka cusub ee boqortooyada Kuwait, kadib kalfadhi gaar ah oo golaha qaranka ee dalkaasi ay yeesheen, Amiirka cusub ayaa waxa uu ballan qaaday inuu yahay “muwaadin daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisa.” Amiirka cusub ayaa khudbaddii ugu horreysay ee uu ka hor jeediyo Golaha Shacbiga waxa […]

- Advertisement -

Sheekh Meshal Al-Axmad Al-Sabaax ayaa loo dhaariyay inuu noqdo amiirka cusub ee boqortooyada Kuwait, kadib kalfadhi gaar ah oo golaha qaranka ee dalkaasi ay yeesheen, Amiirka cusub ayaa waxa uu ballan qaaday inuu yahay “muwaadin daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisa.”

Amiirka cusub ayaa khudbaddii ugu horreysay ee uu ka hor jeediyo Golaha Shacbiga waxa uu ku dhaliilay Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, waxaana uu ku eedeeyay in ay danta shacabka wax u dhimayaan.

- Advertisement -

Waxaanu yiri “Waxaan khudbadeheenii hore ku adkaynay in ay jiraan xuquuqo qaran oo ay waajib tahay in ay fulaan, kuwaas oo hay’adaha sharci dejinta iyo fulinta qaranka iyo shacabkaba dan u ah, sidaa darteed ma aynaan arag wax isbedel ah ama sixid ah oo arrintaas lagu sameeyay, balse arrintu waxay gaartay markii awoodaha fulinta iyo sharci dejintu ay is kaashadeen oo ay isla garteen in la dhaawaco danaha dalka iyo dadkaba.”

Dowladda Sheekh Axmed Nawaf Al-Axmad Al-Sabaax oo uu dhalay Amiirka geeriyooday ayaa istiqaaladeeda u gudbisay Sheekh Mishaal.

Sheekh Mishaal waxa uu la wareegay xilka Amiirka cusub ee Kuwait kadib geeridii Amiir Nawaf Al-Ahmad Al-Sabaax ee December 16-keedii, 2023-ka, isaga oo 86 jir ah, kadib markii uu xukumay Kuwait saddex sano.

- Advertisement -

 

Latest stories