HomeWararHirshabeelle oo ciidamo kala dhex-dhigtay Beelo ku dagaalamay Sh/Dhexe

Hirshabeelle oo ciidamo kala dhex-dhigtay Beelo ku dagaalamay Sh/Dhexe

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Taliyaha Nabad-sugidda dowlad Goboleedka Hirshabeelle Macallin Yuusuf iyo saraakiil ka tirsan Booliiska ayaa ku baxay dagaal beeleed saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Taliye Macallin Yuusuf iyo ciidamo uu hoggaaminayay ayaa gaaray inta u dhaxeysa deegaannada Qurac-madoobe iyo Aqab-duco oo hoostaga Mahadaay, halkaasi oo shalay laba maleeshiyo beeleed […]

- Advertisement -

Taliyaha Nabad-sugidda dowlad Goboleedka Hirshabeelle Macallin Yuusuf iyo saraakiil ka tirsan Booliiska ayaa ku baxay dagaal beeleed saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliye Macallin Yuusuf iyo ciidamo uu hoggaaminayay ayaa gaaray inta u dhaxeysa deegaannada Qurac-madoobe iyo Aqab-duco oo hoostaga Mahadaay, halkaasi oo shalay laba maleeshiyo beeleed uu ku dhexmaray dagaal khasaaro dhaliyay.

- Advertisement -

Taliyaha iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Hirshabeelle ayaa si gaar gaar ah ula kulmay dhinacyada dagaalku dhexmaray, iyagoo ka codsaday in colaadda la joojiyo, si aan mar kale deegaannada loogu dagaalamin oo dhiig kale u daadan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dhinacyada la kala dhex-dhigay ciidamo, si ay u joojiyaan dagaalka, xaaalada deegaannada Qurac-madoobe iyo Aqab-duco ayaa haatan dagan, mana jirio wax dagaal ah oo Maanta halkaasi ka socda.

Dagaalka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta la ogyahay dagaalka ku dhaawacantay illaa saddex ruux, halka qof kalena la tilmaamay inuu ku naf-waayay, waxaana dhaawacyada la keenay mid kamid ah Isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

- Advertisement -

Muddooyinkii ugu danbeeyay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kusoo laab-laabanayay dagaal beeleedyo u dhexeeyay maleeshiyaad hubeysan oo Gobolka wada-daga, waxaana dagaalada qaarkood lagu guuleystay in la joojiyo .

Latest stories