HomeWararDuqa Muqdisho oo Dalbaday in xal loo helo saxmada ka jirta Waddooyinka

Duqa Muqdisho oo Dalbaday in xal loo helo saxmada ka jirta Waddooyinka

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Dowlaha Amniga Gudaha ee XFS iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa maanta xarig jaray dhismaha qeyba cusub oo lagu soo kor dhiyay xarunta guud ee taliska ciidanka nabadgalyada Waddooyinka ee Taraafikada. Munaasabada xarigjarkan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa taliyaha ciidanka nabadgalyada wadooyinka S/Guuto […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Dowlaha Amniga Gudaha ee XFS iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa maanta xarig jaray dhismaha qeyba cusub oo lagu soo kor dhiyay xarunta guud ee taliska ciidanka nabadgalyada Waddooyinka ee Taraafikada.

Munaasabada xarigjarkan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa taliyaha ciidanka nabadgalyada wadooyinka S/Guuto Bishaar Abshir Geedi iyo saraakiil kale, kuwaasi oo Munaasabada oo ka dhacday Xarunta Taliska ka qeyb galay.

- Advertisement -

Taliye Bishaar ayaa madaxda iyo saraakiisha munaasabada ka qeyb gashay uga warbixiyay marxaladihii kala duwanaa oo uu taliska soo maray iyo horumarinta lagu sameeyay taliska taraafikada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay saraakiisha iyo ciidanka nabadgalyada waddooyinka in ay dib usoo celiyaan tayadii iyo heybadii uu lahaa taliskan, isla markaana xal loo helo saxmada mararka qaar ka jira waddooyinka Caasimadda.

Latest stories