HomeWararATMIS oo ka hadashay ka bixitaanka Ciidankooda ee Villa Somalia

ATMIS oo ka hadashay ka bixitaanka Ciidankooda ee Villa Somalia

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya ee loo yaqaan (ATMIS), ayaa 16 Sano ka dib ka guuraya xafiisyada madaxda & Madaxtooyada Qaranka. ATMIS ayaa gabi ahaan isaga baxayso saldhigyada ay ku lahaayeen Madaxtooyada iyo Baarlamanka dalka. Tallaabdan ayay dowladda Soomaaliya ku sheegtay in ay guul u tahay Qaranka Soomaliyeed, iyado oo ay […]

- Advertisement -

Ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya ee loo yaqaan (ATMIS), ayaa 16 Sano ka dib ka guuraya xafiisyada madaxda & Madaxtooyada Qaranka.

ATMIS ayaa gabi ahaan isaga baxayso saldhigyada ay ku lahaayeen Madaxtooyada iyo Baarlamanka dalka.

- Advertisement -

Tallaabdan ayay dowladda Soomaaliya ku sheegtay in ay guul u tahay Qaranka Soomaliyeed, iyado oo ay Ciidamada Qaranka dusha laga saari doono mas’uuliyadda amni ee dhamaan xafiisyada ugu sareeyo dalka.

Afhayeenka Ciidamada ATMIS, Saidi Mwachinalo, oo wareysi siiyay warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in qorshaha ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee dalka uu bilowday tan iyo markii la ansixiyay go’aankii Qaramada Midoobay in Ciidamada Soomaaliya lagu wareejiyo mas’uuliyadda amniga.

Afhayeenka ayaa sheegay in 3,000 oo askari oo ATMIS ah ay Ciidamada Soomaaliya wareejin doonaan xarumaha muhiimka ah ee dowladda oo ay ku jirto madaxtooyada ilaa 31-ka bishan December.

- Advertisement -

Wajiga labaad ayaa bilaaban doona bisha May ee sanadka soo socda 2024kii, iyadoo 3,000 oo askari ATMIS ay iyaguna ka bixi doonaan dalka.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay mowqifkiisa ku aaddan in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, isagoo sheegay inay tahay tallaabo muhiim ah, gaar ahaan marka la eego dagaalka ay dowladda kula jirto Al-Shabaab .

Wuxuu intaas ku daray in Ciidamada Soomaaliya ee tababarrada ku maqan ay heli doonaan hub casri ah oo ay uga awood sarreeyaan kooxaha argagaxisada ah markii uu usoo dhamaado tababarka.

Latest stories