HomeWararHowlgal lagu soo qabtay Shaqsiyaad la tuhmay oo laga fuliyay Duleedka Muqdisho

Howlgal lagu soo qabtay Shaqsiyaad la tuhmay oo laga fuliyay Duleedka Muqdisho

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ee Haramcad ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay howlgal ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Howlgalka oo socday saacado dhowr ah ayaa waxaa lagu soo qab qabtay xubno lagu tuhumayo inay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana ujeedka howlgalka laga fuliyay […]

- Advertisement -

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ee Haramcad ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay howlgal ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Howlgalka oo socday saacado dhowr ah ayaa waxaa lagu soo qab qabtay xubno lagu tuhumayo inay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana ujeedka howlgalka laga fuliyay deegaanka Ceelasha uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga.

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan Haramcad ayaa laga soo xigtay in howlgalada noocaan oo kale ee lagu xaqiijinayo amniga deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ay sii socon doonaan, isla markaana shacabka looga baahan yahay inay la shaqeeyaan laamaha amniga.

Ceelasha Biyaha ayaa waxaa haatan ka howlgallo ciidamo kala duwan sida Booliska iyo kuwa xasilinta caasimada, kuwaas oo loo geeyay inay sugaan amniga deegaankaasi.

Howlgalladan joogtada ah ee ka socda Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa keenay isbeddal ballaaran oo dhanka amniga, kaas oo si weyn looga dareemay gudaha caasimada.

Latest stories