HomeWararBurcad-badeed Soomaali ah oo Afduubtay Markab ku gooshayay Calanka Malta

Burcad-badeed Soomaali ah oo Afduubtay Markab ku gooshayay Calanka Malta

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Ciidamada Midowga Yurub ee la-dagaalanka burcad-badeedda Soomaalida ayaa shaaca ka qaaday in rag hubeysan oo burcad-baddeed Soomaali ah ay afduub u geysteen Markab ganacsi oo ku gooshayay calanka Malta… Markabkan la afduubtay oo lagu magacaabo Ruen ayaa xilligii la afduubanayay marayay meel qiyaastii 500 mayl-badeed bari ka xiga Jasiiradda Socotra, waxaana aagaasi loo diray markabka […]

- Advertisement -

Ciidamada Midowga Yurub ee la-dagaalanka burcad-badeedda Soomaalida ayaa shaaca ka qaaday in rag hubeysan oo burcad-baddeed Soomaali ah ay afduub u geysteen Markab ganacsi oo ku gooshayay calanka Malta…

Markabkan la afduubtay oo lagu magacaabo Ruen ayaa xilligii la afduubanayay marayay meel qiyaastii 500 mayl-badeed bari ka xiga Jasiiradda Socotra, waxaana aagaasi loo diray markabka dagaalka ee Spain ee Victoria, si loo ururiyo macluumaad dheeraad ah.

- Advertisement -

Xarunta howlgalada wadajirka ah ee EUNAVFOR ee Spain ayaa sheegtay inay heshay digniin ku saabsan markab ay weerareen burcad-badeedda, Shirkadda ammaanka badda ee Britain ee Ambrey ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in Ruen ay afduubteen burcadbadeedda.

Mid kamid ah raggii horey uga mid ahaan jiray kooxaha abaabulka weerarrada lagu qaado maraakiibta, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inuu maqlay in budhcad-badeedu ay ku guulaysteen inay qabsadaan markab.

Falka afduubka ay burcada Soomaalida ah u geysteen Markabkaas Ganacsi ayaa noqonaya afduubkii ugu horreeyay ee lagu guuleysto oo ay ku lug yeeshaan burcad-badeedda Soomaalida tan iyo sannadkii 2017-kii, markaasi oo howlgallo ay sameeyeen ciidamada badda ee caalamiga ah ay joojiyeen weeraradii gacanka Cadmeed.

- Advertisement -

Horaantii Jimcihii, hay’adda badaha Britain ee UKMTO ayaa sheegtay inay warbixin ka heshay sarkaal ka tirsan ilaalada markabka oo rumeysan in shaqaaluhu aysan hadda gacanta ku hayn markabka.

Latest stories