HomeWararDFS iyo Jarmalka oo kala saxiixday Mashruuc lagu maalgalinayo ilaaha wax-soo-saarka

DFS iyo Jarmalka oo kala saxiixday Mashruuc lagu maalgalinayo ilaaha wax-soo-saarka

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Waxaa Iska kaashanaya barnaamijkan dowlaha Soomaliya oo ku matalayso Hay’adda Gargaara iyo jarmalka oo ka wakil ah Banigga horumarinta (KWF), iyada oo hadafka laga leeyahay ay tahay sidii loo kobcin lahaa awooda bankiyadda Soomaaliyeed  in qeyb weyn ka qaataan horumairnta bulshada qeybaheeda kala duwan, waxuuna mashruuca kor u qaadayaa  Qeybo kala duwan sida beeraha, -xoolaha, […]

- Advertisement -

Waxaa Iska kaashanaya barnaamijkan dowlaha Soomaliya oo ku matalayso Hay’adda Gargaara iyo jarmalka oo ka wakil ah Banigga horumarinta (KWF), iyada oo hadafka laga leeyahay ay tahay sidii loo kobcin lahaa awooda bankiyadda Soomaaliyeed  in qeyb weyn ka qaataan horumairnta bulshada qeybaheeda kala duwan, waxuuna mashruuca kor u qaadayaa  Qeybo kala duwan sida beeraha, -xoolaha, kaluumaysiga, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Dalxiiska,

Madasha waxaa ka qeyb-galay Maxaxda dowaldda Federaalka Soomaaliya, Bankigg-yada dalka iyo masuu’alayiin kale. Heshiiskan ay wada gaareen Gargaara iyo iyo KWF  waxa uu ahniyadd u leeyahay bulshada nugal si kor loogu qaado dhaqaalahooda.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaara Suleymaan Cabdil Ducaale ayaa warbaahinta u faahfaahiyay muhiimada ay mashriicda maalgalinta dalkeennu u leedadahay.

“Ujeedada laga leeyahay barnaamijkan waa in awoodiinna kartidiinna iyo Aqoontiinna xaga lacag bixinta ay kor u kacdo si aad ugu dhiirataan,tiina aad heysataan ee dheeraadka ah ee tan kabadan inaad bixisaan iyada naftirkeda aad maalgalin ku sameysaan, waxaan idin sheegayaa dalka waa dal faqri ah shaqo la’aan baa jirta dhibaatooyinka ugu waaweyn ee xitaa nabadgalyada maanta dhaawacaya waxaa kamid ah dhaqaale xumida iyo shaqo la’aanta dhalinyarada” Ayuu sheegay Dr Suilayman

 

- Advertisement -

Agaasimha Guud ee Hay’adda Istaatiskada Qaranka Sharmaake Maxamed ayaa ayaa sheegay in waddanka fursado badan tan ka ballaaran ay wadda kusoo jiraan tasoo mudnaan siinayso horumarka bulshada iyo shaqa Abuurka.

“Sharaf gaar ayey ii tahay inaan goobjoog ahaado oo aan ka soo qeybgalo xafladan lagu saxiixayo heshiiska (KWF)lala galay tani waxay mudnaan siineysaa horumarka bulshada iyo kobaca shaqo abuurka, ka Hey’add ahaan wadshaqeynta ayaan la yeelan doonaa Gargaara ” ayuu yari Mudane Sharmake.

Guddoomiyaha Midowga Bangiyada Soomaaliya (SBA) Mudane Shirwac ayaa dhankiisa soo dhaweeyay daddaalka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adda  Gargaara iyo dowladda KWF ee Jarmalka, wuxuuna tilmayay in howlaha socda ay ka turmayso soo noolaynta hay’addaha Dhaqaalaha dalka sida Bangiyada.

“Waxaan balanqaadeynaa wada shaqeynta dhankeenna laga filaayo,waxaan rajeyneynaa inaan ka soo bixi doono,Gargaarana naguma cusbo waan la shaqeynaa ee kaliya waxaa cusub qeybtaan kale (KWF) waxuuna heshiiskan ku soo aaday waqti munaasib ah oo deyn cafinta loo dabaaldagayo,  Insha Allah gacanta waan furi doonnaa dadbadan ayaa ka faa’ideysan doono oo shaqo abuur heli doono.” Ayuu hoosta ka xariiqay  Shirwac

Hay’adda Gargaara Lt, oo isku xirta hay’addaha maalgalinta,  dowladda iyo Aduunka ayaa waddo daddaalo lagu horumarinayo  bulshada qeybaha muhiim u ah adeegyada  buslahda.

Latest stories