HomeWararRa’iisul Wasaare Xamse “Somalia waa ay ka baxday Liiska Dalalka qaamaysan”

Ra’iisul Wasaare Xamse “Somalia waa ay ka baxday Liiska Dalalka qaamaysan”

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo ka hadlay munaasabad loogu dabaal-dagayey dhammeystirka geeddiga Deyn Cafinta Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay tahay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka baxday liiska waddamada qaamaysan, taas oo horseedi doonta in dalkeenna […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo ka hadlay munaasabad loogu dabaal-dagayey dhammeystirka geeddiga Deyn Cafinta Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay tahay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka baxday liiska waddamada qaamaysan, taas oo horseedi doonta in dalkeenna iyo dadkeenna la aamino, isla markaana aan helno soo jiidashada maalgashadayaal caalami ah, Horumar dhaqaale, isku filnaansho amni, adeeg bulsho oo horumarsan iyo rajo u abuuridda dhallinyarada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay in ay ummadda Soomaaliyeed u tahay habeen guul ku suntan, maadaama laga cafiyey deyntii horumarka ka hortaagnayd dalka, taas oo ku timid shaqo adag oo ay soo qabteen dowladihii kala danbeeyey iyo dowladda maanta dalka hoggaamisa.

Xamsa ayaa uga mahadceliyey cid walba kaalintii ay ka soo qaadatay guusha Soomaaliya looga cafiyey deynta oo soo martay marxalado kala duwan, tan iyo sanadkii 2012.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xukuumadda Dan Qaran ay xaqiijisay guulo-waaweyn oo ay ka mid yihiin dagaalka Khawaarijta, ku biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo qaadista cunaqabateynta hubka.

- Advertisement -

 

Latest stories