HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dilka wiilkiisa uu ka geystay Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dilka wiilkiisa uu ka geystay Turkiga

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wiilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda ku laaban doona Turkey si uu u wajaho maxkamadeyn la xiriirta shil ka dhacay waddo ku taalla Istanbul, waxaa sidaas maanta sheegay wasiirka cadaaladda Turkey. Yunus Emre Gocer, oo ahaa 38-sano jir mooto waday, ayaa waxaa ku dhacay gaari uu watay wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu […]

- Advertisement -

Wiilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda ku laaban doona Turkey si uu u wajaho maxkamadeyn la xiriirta shil ka dhacay waddo ku taalla Istanbul, waxaa sidaas maanta sheegay wasiirka cadaaladda Turkey.

Yunus Emre Gocer, oo ahaa 38-sano jir mooto waday, ayaa waxaa ku dhacay gaari uu watay wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu marayey waddo weyn oo ku taalla Istanbul. Yunus ayaa lix maalmood kadib, 6-dii December, ku dhintay isbitaal.

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta Turkey ayaa amray xariga wiilka madaxweynaha, waxayna ka mamnuuceen inuu dalka ka baxo, balse warbixino ayaa sheegay in Maxamed uu amarka xiritaan kahor ka baxay Turkiga.

Turkey ayaa sidoo kale baaritaan ku billowday saraakiisha fuliyey baaritaanka horudhaca ahaa ee shilka, islamarkaana sida lagu warramay xor ka dhigay Maxamed.

Talaadadii, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wakaaladda wararka AP u sheegay in wiilkiisa oo 40 jir ah aanu ka cararin Turkiga. Waxa uu sheegay inuu kula taliyey inuu ku laabto, oo uu maxkamadda hortago.

- Advertisement -

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, oo ah dhaqtar, ayaa ku nagaaday goobta shilka, wuxuuna kadib Istanbul sii joogay maalmo, ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi u diray qoyska Yunus.

“Waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’iidaysto inaan tacsi u diro qoyska, oo aanan garanayn si aan ula xiriiro,” ayuu ku yiri wareysiga oo uu bixiyey Talaadada. “Waxaan la qeybsanayaa murugada geerida. Waanu ka xunahay inaay waayeen [wiilkooda].”

Turkey ayaa xiriir dhow la laheyd Soomaaliya tan iyo 2011, markii madaxweyne Recep Tayyip Erdogan – oo markaas ahaa ra’iisul wasaare – uu dalka booqday, isaga oo taageero u muujinaya Soomaaliya oo xilligaas ay ka jirtay abaar darran.

Latest stories