HomeWararQaramada Midoobay oo ku baaqday xabbad-joojin deg deg ah oo ka hirgasha...

Qaramada Midoobay oo ku baaqday xabbad-joojin deg deg ah oo ka hirgasha Gaza

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Qaramada ayaa shalay gelinki danbe xilliga Bariga Mareykanka ku baaqday xabbad-joojin ban’aadannimo oo deg deg ah oo laga dhaqan-geliyo Marinka Gaza, kaddib kulan aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Golaha Guud. Kaddib xaalad bani’aadannimo oo aad u liidata siina qoto-dheeraaneysa oo ka jirta Gaza, ayay 193 xubin oo ka tirsan Golaha Guud ee Qaramada […]

- Advertisement -

Qaramada ayaa shalay gelinki danbe xilliga Bariga Mareykanka ku baaqday xabbad-joojin ban’aadannimo oo deg deg ah oo laga dhaqan-geliyo Marinka Gaza, kaddib kulan aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Golaha Guud.

Kaddib xaalad bani’aadannimo oo aad u liidata siina qoto-dheeraaneysa oo ka jirta Gaza, ayay 193 xubin oo ka tirsan Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ansixiyeen qaraar ku baaqaya xabbad-joojin.

- Advertisement -

Qaraarka ayaa waxaa haa ugu codeeyay 153 waddan, 23 ayaa ka aamustay, halka 10 dal ay maya ugu codeeyeen. Waddamada diiday waxaa ka mid ah Israa’iil iyo Mareykanka oo ku dooday, in xabbad-joojinta ay faa’iido ku qabto Xamaas.

Qaraarkan ayaanan aheyn mid qasab ka dhigaya xabbad-joojinta, hase yeeshee xambaarsan miisaan siyaasadeed oo sawir ka bixinaya aragtida iyo halka ay dagaalka Gaza ka istaagsanyihiin dowladaha caalamka.

Maamulka Falastiin ayaa soo dhaweeyay qaraarka kuna boorriyay waddamada in ay Isra’il cadaadis ku saaraan dhaqangelinta xabbad-joojinta.

- Advertisement -

Danjiraha Israa’il u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa inti aysan billaaban u codeynta qaraarka ee Golaha Guud sheegay, in xabbad-joojinta ay kaliya sii dheereyn doonto dhimasho iyo burbur ka sii dhacda mandiqadda.

Latest stories