HomeWararKhilaafkaa ugu xumaa oo ka dhex qaraxy Madaxweynaha Puntland iyo ku Xigeenkiisa...

Khilaafkaa ugu xumaa oo ka dhex qaraxy Madaxweynaha Puntland iyo ku Xigeenkiisa Axmed Karaash

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Xilli xaalad is mari -waa ah ay ka taagantahay arrimaha doorashada Puntland isla markaana baarlamaanka kulankoodii maanta uu buuq hareeyay ayaa qoraal uu bartiisa Faceboog ku baahiyay gor dhaweed madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) waxaa uu ku tilmaamay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni inuu caadeystay keligi talisnimo iyo awood marooqsi. Qoraalka […]

- Advertisement -

Xilli xaalad is mari -waa ah ay ka taagantahay arrimaha doorashada Puntland isla markaana baarlamaanka kulankoodii maanta uu buuq hareeyay ayaa qoraal uu bartiisa Faceboog ku baahiyay gor dhaweed madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) waxaa uu ku tilmaamay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni inuu caadeystay keligi talisnimo iyo awood marooqsi.

Qoraalka la soo dhigay barta Faceboogga ayaa sidaan u dhignaa:”Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil,”.

- Advertisement -

Axmed Karaash ayaa intaa ku daray in wixii dhibaato ah oo ka dhasha tillaabooyinka uu qaadayo madaxweynuhu uu dusha u ridan doono mas’uuliyadeeda.

“Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho” ayaa lagu yiri qoraalka barta Faceboog lagu baahiyay

Latest stories