HomeWararMadaxweynihii hore ee Hirshabeelle Waare oo xil sare looga magacaabay IGAD

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Waare oo xil sare looga magacaabay IGAD

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynihii hore dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa xil sare looga magacaabay Urur Goboleedka IGAD, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Daa’uud Aweys Jaamac. Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magacaabista kuxigeenka xoghayaha IGAD ku tilmaamay guul diblomaasiyadeed oo ay dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay. “Waa […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa xil sare looga magacaabay Urur Goboleedka IGAD, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Daa’uud Aweys Jaamac.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magacaabista kuxigeenka xoghayaha IGAD ku tilmaamay guul diblomaasiyadeed oo ay dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay.

- Advertisement -

“Waa Guul kale oo diblomaasiyadeed oo u soo hoyatey dowladda Soomaaliya, magacaabistiisa ayaa waxay sare u qaadeysa sumcadda iyo maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay gobolka iyo caalamka” ayuu yiri wasiir Daa’uud.

Ku xigeenka xoghayaha guud ee IGAD, Maxamed Abdi Waare ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu ku biiro hoggaanka IGAD.

“Aad baan ugu faraxsanahay magacaabista, u ololaynta, iyo taageerada Xukuumaddayda si aan u gaadho xilkan sharafta leh. Anigoo hadda ka shaqeeya Gobolka oo dhan. Waxaan rajeynayaa inaan hogaamiyo koox ku dadaali doona inay wax ka bedelaan nolosha muwaadiniinteenna xagga Nabada iyo Amniga, Cimilada yaraynta, Gobolka,” ayuu yiri Waare.

- Advertisement -

Maxamed Cabdi Waare oo horay u soo noqday Madaxweynaha Hirshabeelle, soona noqday Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee arrimaha xasilinta ayaa laga filayaa in wax wayn ku soo kordhiyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya dalalka ku bahoobay IGAD, isagoo ka hoos shaqeyn doono xoghayaha guud ee IGAD Workneh Gebeyehu.

Latest stories