HomeWararFaah faahin: Macallin Dugsi Qur’aan iyo Dhakhtar aano Qabiil loogu dilay Galgaduud

Faah faahin: Macallin Dugsi Qur’aan iyo Dhakhtar aano Qabiil loogu dilay Galgaduud

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Wararka aan ka heleyno duleedka deegaanka Ilix ee dhaca koonfurta magaalada Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe halkaasi dil loogu geystay laba wiil oo dhallinyaro ah, kuwaasi oo kamid ahaa dadka deegaanka. Rag hubeysan ayaa la tilmaamay inay labada wiil ee dhallinyarada oo isla dhashay ay ugu tageen goob ay ku […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno duleedka deegaanka Ilix ee dhaca koonfurta magaalada Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe halkaasi dil loogu geystay laba wiil oo dhallinyaro ah, kuwaasi oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Rag hubeysan ayaa la tilmaamay inay labada wiil ee dhallinyarada oo isla dhashay ay ugu tageen goob ay ku sugnaayeen ee deegaanka Ilix , isla markaana ay rasaas ooga uga qaadeen, iyagoona durbadii geeriyooday.

- Advertisement -

Allaha u naxariisteen marxuumiinta ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Dr Axmad Xasan Cismaan iyo Macalim Liibaan Xasan Cismaan, waxaana baxsaday raggii ka danbeeyay falkaasi khaarijinta ahaa ee loo geystay wiilasha dhallinyarada ahaa.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dilkaan uu yahay mid salka ku haaya dilal aano qabiil oo hore uga dhacay deegaano hoostaga Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud, waxaana xusid mudan in labada Nin ee la dilay kala ahaayeen Macallin Dugsi Qur’aan iyo Dhakhtar Caafimaad.

Dhowr jeer oo horey ayaa sidaan oo kale waxaa deegaano kamid ah maamulka Galmudug uga dhacay dilal iyo weeraro la xiriiray aanooyin qabiil, waxaana sidoo kalena dhacay dagaal beeleedyo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Latest stories