HomeWararDab xooggan oo baabi'iyay Guryo ku yaallay xaafad ka tirsan Muqdisho

Dab xooggan oo baabi’iyay Guryo ku yaallay xaafad ka tirsan Muqdisho

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Dab xoogga oo socday mudo ku dhow laba saacadood oo xiriir ah ayaa xalay fiidkii ka kacay xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan, magaalada Muqdisho, dabkaasi oo markii hore ka bilowday guri ayaa kusii faafay goobo Ganacsi iyo guryo ku dhaganaa. Dabka ayaa geystay khasaaro hantiyadeed oo baaxadle, isla markaana waxaa uu baabi’iyay guryo badan oo […]

- Advertisement -

Dab xoogga oo socday mudo ku dhow laba saacadood oo xiriir ah ayaa xalay fiidkii ka kacay xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan, magaalada Muqdisho, dabkaasi oo markii hore ka bilowday guri ayaa kusii faafay goobo Ganacsi iyo guryo ku dhaganaa.

Dabka ayaa geystay khasaaro hantiyadeed oo baaxadle, isla markaana waxaa uu baabi’iyay guryo badan oo ay deganaayeen qoysas danyar ah oo u badan Barakacayaal, kuwaasi oo si gaar ah u deganaa halka loo yaqaano Siliga Ameerikaanka.

- Advertisement -

Qaar kamid dadka ku guryo belay dabka oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in dabka oo ahaa mid aad u xooggan oo gebi ahaan baabi’iyay dhowr guri iyo goobo Ganacsi oo isku dhowaa, waxaana halkaasi ku burburtay hanti.

Gurmad la sameeyay ayaa lagu guuleystay in caruur farabadan laga saaro guryaha ku gubtay dabkii xalay ka kacay xaafadda Seybiyaano ee magaalada Muqdisho, iyadoona markii dambe lagu guuleystay deminta dabka oo mudo socday.

Muddooyinkiii u dambeeyay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada.

Latest stories