HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Go’aankii Madaxweyne Deni

Madaxweyne Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Go’aankii Madaxweyne Deni

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in doorashada Maamulkaasi Puntland uu ku qabanayo wakhtigeeda,  isla markaana lagu galayo sidii hore ee 66 xildhibaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey miro-dhalka dadaallada odeyaasha dhaqanka Puntland ee ku aaddanaa qabsoomidda doorasho ay heshiis ku yihiin […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in doorashada Maamulkaasi Puntland uu ku qabanayo wakhtigeeda,  isla markaana lagu galayo sidii hore ee 66 xildhibaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey miro-dhalka dadaallada odeyaasha dhaqanka Puntland ee ku aaddanaa qabsoomidda doorasho ay heshiis ku yihiin dhinacyada siyaasadda iyo go’aanka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, taas oo lagaga gudbayo hubinti la’aantii muddadan ka jirtay arrimaha doorashooyinka.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in go’aanka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo kaalinta waxgaradka iyo isimada Puntland ay yihiin tallaabooyin xoojinaya xasiloonida iyo horumarka siyaasadeed ee Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan.

“Puntland waxa ay xuddun u tahay Nidaamka Federaalka dalka, waa tusaalaha nabadda iyo wadajirka, sidaas awgeed waxaan adkeynaynaa dadaallada odeyaasha dhaqanka iyo waxagaradka. Waxaan Alle ka baryeyaa in doorashadaasi ay ku idlaato is-fahan iyo jawi nabadeed oo ka tarjumaya sooyaalka deegaannada Puntland.”

Madaxweynaha oo garowsan doorka Puntland ay ku leedahay hannaanka Federaalka iyo dowladnimada dalka ayaa  ku dhiirrigeliyay dhammaan dhinacyada qeybta ka ah hannaanka doorashada Puntland inay sii wadaan wadatashiyada, waxa uuna muujiyey sida uu u garab taagan yahay dhammeystirka doorashada iyo in lagaga gudbo marxaladdan wadatashi, isu-tanaasul iyo ilaalinta nabadda ay ku tilmaaman yihiin reer Puntland,

Latest stories