HomeWararDeni oo Golaha Wakiilada u gudbiyay oo soo saarista Lifaaqa 5-aad ee Dastuurka

Deni oo Golaha Wakiilada u gudbiyay oo soo saarista Lifaaqa 5-aad ee Dastuurka

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Golaha Wakiilada Maamulkaasi u gudbiyay soo saarsaarista  lifaaqa 5-aad ee dastuurka ee Maamulka Puntland, sida uu ku caddeeyay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa. Madaxweyne Saciid Deni ayaa xalay ku dhawaaqay in Puntland ay dib ugu laabanayso doorashadii Baarlamaaniga ahayd ee horey loogusoo dooran jiray madaxdii hore ee Puntland, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Golaha Wakiilada Maamulkaasi u gudbiyay soo saarsaarista  lifaaqa 5-aad ee dastuurka ee Maamulka Puntland, sida uu ku caddeeyay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa xalay ku dhawaaqay in Puntland ay dib ugu laabanayso doorashadii Baarlamaaniga ahayd ee horey loogusoo dooran jiray madaxdii hore ee Puntland, kadib markii Deni shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Maamulka Puntland in ay jiraan qorshayaal la doonayay in Puntland gudaheeda colaad laga abaabulo, iyadoo laga faaidanayso khilaafka arrimaha doorashada.

Xeerka Madaxweyne Saciid Deni uu Golaha Wakiilada ugu gudbiyay soo saarsaarista  lifaaqa 5-aad ee dastuurka ee Maamulka ayaa u qornaa:

Xeer Madaxweyne Lr 121 ee December 02 2004 iyo xeer Madaxweyne  Lr 112 ee November 09 2008, xeer Madaxweyne 153 November 2013 iyo Xeer Madaxweyne Lr 189. November 2018, oo dhamaantood ku saabsanaayeen soo xulida Golaha Wakiilada Puntland.

- Advertisement -

Markuu Garowsaday: caqabadaha ku xeeran qabsoomida Doorashada hal qof iyo hal cod si waafaqsan Dastuurka Puntland Qodobkiisa 44-aad.

Markuu tixgaliyey:  talooyinka ku aadan in Doorashadu dhacdo wakhtigeeda.

Waxuu go’aamiyey:  in dib loogu noqdo  nidaamkii Doorashadu ku dhici jirtay ee hore.

“Hadaba Mudane Guddoomiye waxaan Golaha Wakiillada Puntland ka codsanayaa  in ay soo saaraan lifaaqa 5-aad ee Dastuurka ee qabsoomida Doorashada”.

Wada shaqayn wacan.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Latest stories