HomeWararCiidamo Magaalada Buurdhuubo ka sameeyay howlo samata-bixin ah

Ciidamo Magaalada Buurdhuubo ka sameeyay howlo samata-bixin ah

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ururka 48aad guutada 10-aad Qaybta 43-aad Ciidanka Xoogga dalka ee fadhigoodu yahay magaalada Buurdhuubo ayaa howlo samata-bixin ah u sameeyay shacabka ay saameeyeen  fatahaaduhu. Ciidankaan ayaa shacabka u sameeyey gurmad, iyaga oo dadka ka soo daabulayey goobaha ay ku go’doosan yihiin ee ka tirsan magaalada  Buurdhuubo ee gobolka Gado ee dowlad Gobaleedka Jubbaland. Magaalada Buurdhuube […]

- Advertisement -

Ururka 48aad guutada 10-aad Qaybta 43-aad Ciidanka Xoogga dalka ee fadhigoodu yahay magaalada Buurdhuubo ayaa howlo samata-bixin ah u sameeyay shacabka ay saameeyeen  fatahaaduhu.

Ciidankaan ayaa shacabka u sameeyey gurmad, iyaga oo dadka ka soo daabulayey goobaha ay ku go’doosan yihiin ee ka tirsan magaalada  Buurdhuubo ee gobolka Gado ee dowlad Gobaleedka Jubbaland.

- Advertisement -

Magaalada Buurdhuube waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay saameenta ku reebeen fatahaadaha ka dhashay Roobabkii ka da’ay guud ahaan gobollada dalka, xilli go’day Buundadii magaalada oo ay ahayd marin ay isticmaalaan dadka ku dhaqan magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo bishii hore booqasho ku tagay gobolka Gado ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhiseyso Buundooyinka ku burburay fatahaadada.

Latest stories