HomeWararDuqeyn xagga cirka ah oo xalay lagu qaaday degmada Jilib ee gobolka...

Duqeyn xagga cirka ah oo xalay lagu qaaday degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Warrarka laga helayo degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ay labo gantaal ku dhufutay guri ku yaala magaalada abaare sideedii fiidnimo. Dad ku sugan Jilib ayaa BBC-da u sheegay in ay maqleen guuxa diyaarad, deetana ay xigtay maqalka laba qarax oo ay u malaynayaan in ay tuurtay […]

- Advertisement -

Warrarka laga helayo degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ay labo gantaal ku dhufutay guri ku yaala magaalada abaare sideedii fiidnimo.

Dad ku sugan Jilib ayaa BBC-da u sheegay in ay maqleen guuxa diyaarad, deetana ay xigtay maqalka laba qarax oo ay u malaynayaan in ay tuurtay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano daroonis-ka.

- Advertisement -

Illaa hadda ma cadda cida lahayd diyaaradda weerarka gaystay, iyo goobta la duqeeyay, waxase magaalada ku xoog badan oo saldhigyo waaweyn ku leh ururka Al-Shabaab.

War ay sii daayeen warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo Maraykanka laga leeyahay ay gantaal ku dhufatay guri dad rayid ah dagan yihiin, halkaasna ay ku dhaawacmeen labo qof oo rayida oo midkood ay ahayd gabadh yar oo 11 jir ah.

Ma jiro war madaxbannaan oo ka hadlaya khasaaraha ka dhashay duqeynta xalay ka dhacday degmada Jilib oo muddo dheer ay xukumayeen Al-Shabaab.

Latest stories