HomeWararWararkii ugu danbeeyay Goobo Ganacsi ku yaalla Muqdisho oo la Qarxiyey

Wararkii ugu danbeeyay Goobo Ganacsi ku yaalla Muqdisho oo la Qarxiyey

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo miinooyin ah oo Maanta oo Axad ah ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaasi oo lagu qarxiyay goobo Ganacsi oo ku yaalla wadada 30-ka gaar ahaan agagaarka halka loo yaqaano laba dhagax. Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay kusoo warrameen in qaraxyada ay geysteen khasaaro maaliyadeed oo […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo miinooyin ah oo Maanta oo Axad ah ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaasi oo lagu qarxiyay goobo Ganacsi oo ku yaalla wadada 30-ka gaar ahaan agagaarka halka loo yaqaano laba dhagax.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay kusoo warrameen in qaraxyada ay geysteen khasaaro maaliyadeed oo gaaray goobaha Ganacsi ee la qarxiyey, waxaana la sheegay in xarumahaasi ay ku xirnaayeen kaamirooyinka wax duuba ee CCTV.

- Advertisement -

Qarax kale oo miino ayaa sidoo kale saakay ka dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa qaraxaasi lagu xiray goob gaacsi oo kaamiro CCTV horey loogu xiray.

Laba qof oo haween ah ayaa la tilmaamay inay ku dhaawacmeen qaraxii ka dhacay Bakaaraha, kuwaasi oo la sheegay inay goobta ku sugnaayeen, waxaana durbadii loola cararay Isbitaal, si xaaladdooda caafimaad loogu dabiibo.

Si kastaba, maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacaayay qaraxyo miinooyin ah oo lagu qarxinayay goobo Ganacsi oo lagu xiray kaamirooyinka CCTV, kadib markii dowladda Soomaaliya ay Ganacsatada ku amartay inay xirtaan.

- Advertisement -

Dhinaca kale dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa dhankooda iyana ganacsatada ku amartay in aysan xiran kaamiro , iyagoona hanjabaad adag u jeediyay ciddii xirataa kaamirooyinka wax duuba ee CCTV.

Latest stories