HomeWararQarax Is-miidaamin ah oo Maanta lala beegsaday Dhallinyaro Muqdisho ku qoraneysay Askarnimo

Qarax Is-miidaamin ah oo Maanta lala beegsaday Dhallinyaro Muqdisho ku qoraneysay Askarnimo

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Qarax is-miidaamin ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku dhex qarxiyay dhallinyaro dooneysay inay qortaan oo ay ku biiraan ciidanka xoogga dalka, qaraxa ayaana ka dhacay afaafka hore ee xerada TurkiSom oo ku taalla magaalada Muqdisho. Faah faahin laga helayo qaraxaasi dhacay oo ahaa mid xooggan oo jugtiisa laga maqlay […]

- Advertisement -

Qarax is-miidaamin ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku dhex qarxiyay dhallinyaro dooneysay inay qortaan oo ay ku biiraan ciidanka xoogga dalka, qaraxa ayaana ka dhacay afaafka hore ee xerada TurkiSom oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Faah faahin laga helayo qaraxaasi dhacay oo ahaa mid xooggan oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Muqdisho ayaa sheegeysa inuu dhaliyay khasaaro dhaawacyo u badan oo gaaray qaar kamid ah dadkii sugnaa goobta ee xerada tababarka Turkida ee TURKISOM.

- Advertisement -

Afar qof oo kamid ah dhallinyarada ayaa ku dhaawacantay qaraxa, kuwaasi oo durbadii loola cararay Isbitaal. Qofka qaraxu ku xirnaa ayaa la tilmaamay inuu doonayay inuu dhex galo dhallinyarada oo saf ku jirtay si ay u qortaan Askarnimo, balse uu is-qarxiyey.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Hay’addaha Amaanka oo ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxa, ee Maanta oo Axad ah ka dhacay afaafka hore ee xerada tababarka Turkida ee TURKISOM ee Muqdisho, waxaana mas’uuliyada qaraxaasi sheegtay Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale qaraxyo ugu weerartay xeryo ciidan oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, xilli ay ka socotay diiwaangelin ciidan, waxaana ugu dambeeyay weerarkii ka dhacay xerada Kuliyadda Jaalle Siyaasad.

Latest stories