HomeWararMadaxweyne Deni oo mar kale ku celiyay inuu wadahadal la galayo Mucaaradkiisa

Madaxweyne Deni oo mar kale ku celiyay inuu wadahadal la galayo Mucaaradkiisa

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Xisbiyada siyaasada Puntland, shirkaasi oo socday shalay ayaa looga hadlay dardargelinta dhameystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada, Madaxtooyada iyo saddexdii degmo ee ka harsanaa Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan. Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda ayaa […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Xisbiyada siyaasada Puntland, shirkaasi oo socday shalay ayaa looga hadlay dardargelinta dhameystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada, Madaxtooyada iyo saddexdii degmo ee ka harsanaa Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan.

Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda ayaa kulankooda xoogga ku saaray, isu diyaarinta dhameystirka Doorashooyinka Dadweyne oo nabad ku dhaca, Shirka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee kala ah Xisbiyada SINCAD , IFIYE, RUNCAD, MUSTAQBAL, KAAH iyo SHAQAALAHA.

- Advertisement -

Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda Puntland ayaa waxaa ay u mahadceliyeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo cidkasta oo door ka qaadanaysa doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada, sidoo kale waxaa loogu baaqay cidkasta oo ka aragti duwan hanaanka ÅŸocda in albaabka wadahadalka u furanyahay.

Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Puntland, wuxuu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni cod dheer ku sheegay in Dowladu diyaar u tahay wadahadal iyo in ay la fariisato cidii ka aragti duwan, si hanaanka dimuqraadiyadu ugu taabo galo xasilooni iyadoo qof walba doorkiisa qaadanayo.

Khilaaf xooggan ayaa weli ka taagan doorashooyinka Puntland oo u dhexeya Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo xubnaha mucaaradka oo kasoo horjeeda in deegaannada Maamulkaasi laga qabto doorasho qof iyo Cod ah.

Latest stories