HomeWararDowladda oo shaacisay in howlgal Khasaaro badan dhaliyay uu ka dhacay Hiiraan

Dowladda oo shaacisay in howlgal Khasaaro badan dhaliyay uu ka dhacay Hiiraan

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo kaashanaya diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa xalay iyo saaka waxa ay howlgalo qorsheysan oo dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka wadaan qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan. Howlgalka oo saacado badan qaatay ayaa si gaar ah uga dhacay Tuulada Hilow Bacaad oo sideed kilo mitir dhinaca Koonfur […]

- Advertisement -

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo kaashanaya diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa xalay iyo saaka waxa ay howlgalo qorsheysan oo dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka wadaan qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan.

Howlgalka oo saacado badan qaatay ayaa si gaar ah uga dhacay Tuulada Hilow Bacaad oo sideed kilo mitir dhinaca Koonfur galbeed ka xigta deegaanka Halgan ee Gobalka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

- Advertisement -

War kasoo baxay dowladda laguna baahiyay Telefashinka ku hadla afka dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka oo wali socda lagu dilay in ka badan 60-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab tiro kale oo badana lagu dhaawacay.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalkan lagu bur buriyay fariisimo ay lahaayeen kooxda Al Shabaab , waxaa sidoo kale howlgalka lagu bur buriyay saanad Al Shabaab lahaayeen, waa sida Warka loo dhigay.

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Tuulada Hilow Bacaad ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid kascsan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada xoogga iyo deegaanka ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadaan halkaasi.

Latest stories