HomeWararKulan ay lahaayeen Xildhibaanada Labada Aqal ee Barlamaanka oo Buuq kusoo Idlaaday

Kulan ay lahaayeen Xildhibaanada Labada Aqal ee Barlamaanka oo Buuq kusoo Idlaaday

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Kulan Maanta oo sabti ah Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku yeelan lahaayeen Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa buuq iyo sawaxan farabadan kusoo dhammaaday. Ajedaha kulanka Maantra ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa xisaab xirka Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee sanadkaan sii dhammaanaya ee 2023 iyo Akhrinta koowaad ee miisaaniyada sanadkan […]

- Advertisement -

Kulan Maanta oo sabti ah Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku yeelan lahaayeen Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa buuq iyo sawaxan farabadan kusoo dhammaaday.

Ajedaha kulanka Maantra ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa xisaab xirka Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee sanadkaan sii dhammaanaya ee 2023 iyo Akhrinta koowaad ee miisaaniyada sanadkan soo socda ee 2024.

- Advertisement -

Qaar kamid ah Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa kasoo horjeestay ajendayaasha la horkeenay Golaha, waxaana intaas kadib gudaha Xarunta Hargeysa ka bilowday buuq ay sameeyeen Xildhibaanada qaarkood.

Buuq iyo fowdo xoog leh kadib ayuu Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo shir guddoomin lahaa fadhiga soo xiray kulankii, waxaana lagu kala tegay fadhigii, iyadoo aan kulankii la furin wax shaqo ahna bilaabin.

Latest stories